Al-shabab oo Dhibaatooyin Ku Haya Dadka Deegaanka Ceel Baraf ee Gobolka Shabeelaha Dhexe+Dhageyso

0

Saraakiisha Ciidamada Militariga Soomaaliya ee Gobalka Shabeelaha ayaa Simba u Xajiiyey in Al-shabaab ay Dileen 3-ruux oo rayid ahaa kadib  dagaal Qasaaro dhaliyey oo dadka deegaanka iyo Al-shabaab ku dhexmaray duleedka Tuulada Ceel-baraf.

Cali Yuusuf Xuubay oo ka mid Saraakiisha Ciidamada Dowlada ee Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa Idaacada Simba usheegay Al-shabaab ay weerar  si ula kac ah ay ugu qaadeen dad Beeralay ah oo  sugnaa meel qiyastii 30-km deegaanka Ceel-baraf jira waxa uun intaa ku daray Ciidamada ay la Wareegeen Goobta uu Dagaalku ka Dhacay.

Sarkaalkaan ka Tirsan Ciidamada  Militiriga Soomaaliya ee aaga Deegaanka Ceel-baraf ayaa Al-shabaab ku eedeeyey inay Afduubteen gaadiid rakaab ah oo la socdeen dad Rayid ah  kuwaas oo Xoog looga Dajiyey Gaadiid kaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here