Saraakiisha Ciidamada Militariga Soomaaliya ee Gobalka Shabeelaha ayaa Simba u Xajiiyey in Al-shabaab ay Dileen 3-ruux oo rayid ahaa kadib dagaal Qasaaro dhaliyey oo dadka deegaanka iyo Al-shabaab ku dhexmaray duleedka Tuulada Ceel-baraf.
Cali Yuusuf Xuubay oo ka mid Saraakiisha Ciidamada Dowlada ee Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa Idaacada Simba usheegay Al-shabaab ay weerar si ula kac ah ay ugu qaadeen dad Beeralay ah oo sugnaa meel qiyastii 30-km deegaanka Ceel-baraf jira waxa uun intaa ku daray Ciidamada ay la Wareegeen Goobta uu Dagaalku ka Dhacay.
Sarkaalkaan ka Tirsan Ciidamada Militiriga Soomaaliya ee aaga Deegaanka Ceel-baraf ayaa Al-shabaab ku eedeeyey inay Afduubteen gaadiid rakaab ah oo la socdeen dad Rayid ah kuwaas oo Xoog looga Dajiyey Gaadiid kaasi.

