Saraakiil Sar Sare oo Ka Tirsan Jabuuti  oo Lagu Soo Dhaweeyay Dalka Shiinaha

0

Taliyaha Guud ee Milatariga dalka Jabuuti Jeneraal  Zakariye Sheekh Ibraahim asaga iyo Saraakiil sar sare oo ka socda dalkaas ayaa lagu soo dhaweeyay dalka Shiinaha.

Dowladda China gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhiga  ayaa soo dhaweysay Taliyaha  Guud ee Milatariga dalka Jabuuti Jeneraal  Zakariye Sheekh Ibraahim  iyagoo ugu mahadceliyay Safarkiisa dalkaas,waxaana ay sidoo kale dowladda Jabuuti ku bogaadiyeen in ay  Shiinaha ka ogolaatay in uu Saldhig Ciidan ka sameysto dalkaasi.

Shiinaha ayaa haatan qorshaynaya in uu Saldhig Malatari uu ka furo dalka Jubuuti waxaana hadda ay wadahadallo u socdaan Dalalka Jabuuti,Bangaladhesh,Burma oo lagu dadajinaayo Saldhiga Shiinaha uu ka furaanayo dalkaas.

Dowladaha Shiinaha  ayaa Jabuuti u aragta dal muhiim u ah awoodaha dunida gaar ahaan istiraatiijiyadda Saldhigyada Ciidan ee Caalamka gaar ahaan dhanka Gacanka Cadmeed,waxaana ay  dalka Jabuuti Saldhigyo ciidan ku leh dalalka Mareykanka,Faransiiska,Japan iyo kuwo kale.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here