Taliyaha Guud ee Milatariga dalka Jabuuti Jeneraal Zakariye Sheekh Ibraahim asaga iyo Saraakiil sar sare oo ka socda dalkaas ayaa lagu soo dhaweeyay dalka Shiinaha.
Dowladda China gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa soo dhaweysay Taliyaha Guud ee Milatariga dalka Jabuuti Jeneraal Zakariye Sheekh Ibraahim iyagoo ugu mahadceliyay Safarkiisa dalkaas,waxaana ay sidoo kale dowladda Jabuuti ku bogaadiyeen in ay Shiinaha ka ogolaatay in uu Saldhig Ciidan ka sameysto dalkaasi.
Shiinaha ayaa haatan qorshaynaya in uu Saldhig Malatari uu ka furo dalka Jubuuti waxaana hadda ay wadahadallo u socdaan Dalalka Jabuuti,Bangaladhesh,Burma oo lagu dadajinaayo Saldhiga Shiinaha uu ka furaanayo dalkaas.
Dowladaha Shiinaha ayaa Jabuuti u aragta dal muhiim u ah awoodaha dunida gaar ahaan istiraatiijiyadda Saldhigyada Ciidan ee Caalamka gaar ahaan dhanka Gacanka Cadmeed,waxaana ay dalka Jabuuti Saldhigyo ciidan ku leh dalalka Mareykanka,Faransiiska,Japan iyo kuwo kale.

