Wasiirka warfaafinta dowlada soomaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa Tacsi u direy dhamaan qoyskii uu ka geeriyooday wariye axmed Xasan cowke oo xalay ku geeriyooday Magaalada Jig-jiga ee Ismaamulka soomalida Ethopia.
Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ku sugan dalka Kuwait oo la Hadlay warbaahinta ayaa sheegay in tacsi dowlada soomaliya ay ka direyso geerida ku Timid wariyaha weyne ee axmed Xasan cowke oo xalay ku geeriyooday Magaalada Jig-jiga ee ismaamulka soomalida Ethopia.
Wasiir Maareeye waxa uu Yiri; Anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska waxaan tacsi u dirayaa wariyihii weynaa ee taariikhda ku lahaa Wasaaradda Warfaafinta Axmed Xasan Cowke.
Xalay ayay aheyd Markii Wariye axmed Xasan Cowke uu ku geeriyooday Magaalada Jig-jiga ee ismaamulka soomalida Ethopia waxaana la filayaa in saacadaha soo socda la aaso.

