Qaramada Midoobay oo 22.2 Billion Ku Caawineysa Arimaha Bini’aadinimanda ee Caalamka Ka Taagan

0

Qaramada midoobay  ayaa maanta oo isniin  ah sheegtay in ay   hirgelineyso  lacag dhan $22.2 bilion bilowga sanadka 2017-ka, oo lagu caawinayo dad kor u dhaafaya  93 milion oo qof oo  ay soo wajahday Musiibooyin dabiici ah iyo Dagaalo soo laablaabtay.

Kala bar lacagta Qaramada midoobay ay bixineyso ayaa loo isticmaalo doonaa in la gaarsiiyo dadka mashaqooyinka kala duwan ay ku qabsadeen Dalalka Syria,yeman, Iraq, iyo koonfurta suudaan’ sidaasi waxaa sheegay sargaal ka tirsan ururka arimaha bini-aadinimada  ee loo soo gaabiyo(OCHA).

“Sida aan horay u sheegnay dad badan ayeey la soo daristay arimaha biniaadannimada waa in aynu sameynaa caawinaad si aysan u daba dheeraan abaaraha taasoo 33 wadan ay ladaalaya dhacayaan . waxaana sidaasi yiri Madaxa arimaha bini’aadanimada  ee Qaramada Midoobay Stephen Brien.

Dalal ay kamid yihiin  Afghanistan, Burundi, jamuuriyada dimuquraadiga   Congo iyo Somalia  ayaa la sheegay 25-tii sano ee ugu dambeesay  in ay xaaladooda  ka sii dareysay iyada oo nolasha dalalkani ay hoos u dhacday.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here