Qaramada midoobay ayaa maanta oo isniin ah sheegtay in ay hirgelineyso lacag dhan $22.2 bilion bilowga sanadka 2017-ka, oo lagu caawinayo dad kor u dhaafaya 93 milion oo qof oo ay soo wajahday Musiibooyin dabiici ah iyo Dagaalo soo laablaabtay.
Kala bar lacagta Qaramada midoobay ay bixineyso ayaa loo isticmaalo doonaa in la gaarsiiyo dadka mashaqooyinka kala duwan ay ku qabsadeen Dalalka Syria,yeman, Iraq, iyo koonfurta suudaan’ sidaasi waxaa sheegay sargaal ka tirsan ururka arimaha bini-aadinimada ee loo soo gaabiyo(OCHA).
“Sida aan horay u sheegnay dad badan ayeey la soo daristay arimaha biniaadannimada waa in aynu sameynaa caawinaad si aysan u daba dheeraan abaaraha taasoo 33 wadan ay ladaalaya dhacayaan . waxaana sidaasi yiri Madaxa arimaha bini’aadanimada ee Qaramada Midoobay Stephen Brien.
Dalal ay kamid yihiin Afghanistan, Burundi, jamuuriyada dimuquraadiga Congo iyo Somalia ayaa la sheegay 25-tii sano ee ugu dambeesay in ay xaaladooda ka sii dareysay iyada oo nolasha dalalkani ay hoos u dhacday.

