Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ee bartamaha dhulka Soomaliya ayaa ku waramaya In Ciidamada Xarakada Al-shabaab goordhaweyd ay la wareegeen Tuulada Qaayib oo 30-KM dhanka koonfur Galbeed kaga beegan degmada Baxdo ee Gobolkaas.
Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ayaa la xaqiijiyay in tuulada Qaayib ay ka galeen labo jiho oo kala ah deeganada Day iyo Xindheere ee ka Tirsan Gobolka Galgaduud, inkastoo aysan la kulmin wax iska caabin ah.
Waana markii ugu horeysay ay dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ay la wareegaan Tuulada Qaayib, dagaalyahanada goordhaweyd galay tuuladaas ayaa la xaqiijiyay in ay wateen gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan,waxaase xusid mudan in Al-shabaab ay shalay qabsadeen deegaanka Day oo xalay ay ku hoydeen iyagoo guryo badan.
Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Galmudug ay kaga hadlaan arintaan la wareegitaanka.

