Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ciidamada Midowga Africa ee amisom ay magac xumi usoo jiideen dalka soomaliya,
Isagoo Hadal ka jeedinaayay shirka hiigsiga 2016-ka oo shalay Ka Furmay Magaalada Garoowe ee caasimada Gobolka Nugaal ayuu sheegay madaxweyne Gaas in ciidamada ka socda Midowga Africa in ay ku guul dareysteen Howlihii soomaliya markii Hore loo keenay.
Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay shacabka soomaliyeed in ay ka shaqeeyaan Nabada iyo is dhaxgalka si soomaliya aysan ugu baahanin ciidamo shisheeye.
Hadalka Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa imaanaya xili qilaaf xoogan uu u dhaxeeyo dowlada soomaliya iyo Kenya xili ciidamo ka socda dowlada Kenya ay ku sugan Yihiin Qaar kamid ah Gobolada dalka soomaliya.

