War Deg Deg” Wariye Axmed Xasan Cawke  oo Xalay ku geeriyooday Magaalada Jig-jiga

0

Wararka haatan naga soo gaaraya Magaalada jigjiga ee xarunta dowlada Goboleedka ismaamulka soomalida Ethopia ayaa sheegaya in Halkaas uu xalay ku geeriyooday mid kamid ah wariyaasha ugu caansan Gudaha soomaliya.

Alla ha u naxariistee waxaa xalay goor dambe ku geeriyooday magaalada Jig-jiga ee ismaamulka soomalida Ethopia weriyaha weyn ee Axmed Xasan Cawke sida ay warbaahinta u sheegtay walaashiisa oo lagu magacaabo Canab Xasan Cawke.

Canab Xasan Cawke  Waxa ay Tilmaamtay in walaalkeeda Axmed Xasan Cawke uu xalay goor dambe kala soo hadlay Telifoonka oo uu u sheegay in neeftu hayso oo aad u xanuunsanaayo , kadibna loo soo sheegay in uu geeriyooday .

Wariyaha ayaa kasoo shaqeeyay idaacado Badan sida Radio Muqdisho codka Jamhuuriyada soomaliya, oo uu kasoo shaqeeyay xiliyadii Hore, Mudooyinkii dambe waxa uu ka  shaqeynaayay Tv-yada soomalida sida Horncable Tv,  Universal Tv, waxa uu sidoo kale kasoo shaqeeyay idaacada laanta afka soomaliga ee BBc-da xarunteeda Magaalada London.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here