Lacago badan oo dawlada Britain ay ugu deeqdo dawlada Federaalka Somalia ayaa la sheegay in qaybo ka mid ah ay u weecdaan Xarakada al shabaab iyo kooxda Daacish.
Warbixin cusub oo arrinta ka hadlaysa oo lasoo saaray ayaa waxaa manta oo Axad ah lagu daabacay Warkgeyska Daily Mail ee dalka Ingiriiska.
Dawlada Britain ayaa la sheegay in lacago badan oo gargaar ah ay siisay Somalia,inkastoo ay jirto qatar ah in dhaqalahaas qayb ka mid ah uu u leexdo Xarakada al-shabaab iyo kooxda Daacish oo ka dagaalama gudaha Somalia.
Warbixintaan oo ay soo saartay waaxda hormarinta caalamiga ah u qaabilsan dawlada Ingiriiska ayaa waxaa ay ka koobantahay 41-page,waxaana ay ku salaysantahay xogo qarsoodi ah oo la helaya.
Arrintaan ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in ay ku dhacday maadama xaalada ammaan daro oo ka jirta Somalia awgeed ay u suurta geli weysay in kormeerayaal ay la socdaan halka ay ku baxayaan lacagaha dawlada Ingiriisku ay ugu deeqdo dawlada Somalia.
Muwaadiniinta Ingiriiska ayaa ku tilmaamay wax laga xumaado in canshuurta laga qaado ay gacanta u gasho Xarakada Al-shabaab iyo Daacish Somalia.

