Cartan:- Wiilasheeda Waxaa Dilay Dhalinyaro Kale oo Soomaali ah oo Bartilmaameedsanayay”,

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilka labo Wiil oo Soomali ahaa oo walaalo ahaa oo lagu dilay magaalada Stockholm ee Caasimadda Sweden, kadib markii rag hubeysan ay weerar ku qaadeen goob maqaayad ah ay fadhiyeen.

Cartan Cabdi Jimcaale oo ah aabaha dhalay  Wiilashada Walaalaha ahaa oo lagu kala magacaabo Faysal iyo Zakariye oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Wiilashiisa  ay dileen dhalinyaro kale oo Soomali ah oo mudooyinkii dambe bartilmaameedsanayay.

“Dilka wiilasheeda waxaan ku tuhmayaa dhalinyaro Somali ah oo dalka Sweden laga baadi goobayo, kadib markii dilal badan ay geysteen, runtii muddo ka hor ayaa mid kamid ah wiilasheeda oo dhalinyaro kale la saaxiib ah waxa ay isqilaafeen dhalinyaro kale taasi ayaan u malaynayaan in ay xiriir la leedahay dilka Wiilasheeda”, ayuu yiri Aabe Cartan Cabdi Jimcaale

Sidoo kale Cartan Cabdi Jimcaale waxa uu tilmaamay inta aan la dilin wiilashiisa ay u sheegeen in ay casho ka doodan doonaan maqaayad ku taala isla magaalada Stockholm ee caasimadda Sweden saacado kadibna halkaas ay weerar ku qaadeen koox burcad ah.

Faysal iyo Zakariye Cartan ayaa waxaa ay ku dhasheen dalka Sucuudiga iyaga oo da’yarna la keenay dalak Sweden.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here