Dhageyso:- Dad Bukaan ah Oo Lagu Go’doomiyay Duleedka Degmada Buulo-burde

0

Maamulka degmada buulo-barde ayaa ku eedeyay al shabaab in ay mas’uul ka yihiin dad bukaan ah oo  ku go’doonsan  duleedka degmada  buulo-barde.

Duqda Dgemada buulo-barde  Cismaan Geedi Cilmi oo la hadlay idaacadda simba ee magaalada muqdisho ayaa waxa uu sheegay in cuduro ay ka dilaaceen duleedka  degmada islamarkaana al shabaab dadka ay u diideen in la gaarsiiyo isbitaalka degmada buulo-barde.

Duqa degamda buulo-barde  ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in haweeney ay ku geeriyootay duleedka degmada xili loo soo waday isbitaalka guud ee degmada buulo-barde.

Cudurka shuban biyoodka ayaa siweyn kaga dilaacay dhawaan deegaano ka tirsan gobolka hiiraan iyadoona dad badan oo uu soo ritay la dhigay isbitaalada ku yaalo gobolka hiiraan.

Dhinaca kale al shabaab weli ma aysan ka hadlin eedeynta loo jeediyay eek u aadan in dad bukaan ah ay ku heystaan duleedka buulo-barde.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here