Wararka ka imaanaya gobolka gedo ayaa ku waramaya in maanta iska hor imaad uu ka dhacay duleedka degamda garbahaarey ee gobolka gedo.
Dagaalka ayaa yimid kadib marki ay la shabaab is hor itsaag ku sameeyeen gadiid qaad us iday degmada garabahaarey waxana arintaa ay keentay ilaalo la sheeg in ay la socdeen gaadiidka qaadka siday in ay isku dhaceen ciidamada al shabaab.
Dagaal mudo daqiiqado badan qaatay oo labada dhinac uu dhex maray ayaa waxa uu sababay qasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa dhintay tiro inta ka badana dhaawacyo ayaa soogaaray, waxana dagaalka si toos ah uu kaga dhacay Tuulo-Barwaaqo.
Al shabaab ayaa la sheegay in ay ka itaal roonaadeen ragi ilaalada ka aha gadiidka islamarkaana waxaa la xaqiijiyay in al shabaab ay gubeen gadiidki siday qaadka.

