Dhageyso:- Howlgal Ka Dhan ah Al shabaab Oo Laga Bilaabayo Gobolka Hiiraan

0

Xili weli meelo badan oo kamid ah gobolka hiiraan ay gacanta ku hayaan al shabaab ayaa waxaa maamulka gobolka hiiraan ay sheegeen in  ay dhawaan gaari doonaan deeganada al shabaab ay ka maamulaan gobolka hiiraan.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan Maxamed Nuur Dabaashe Caga-joof oo la hadlay Idaacadda Simba ayaa waxa uu sheegay in haatan uu soconayo qorshe ka dhan ah al shabaab islamarkaana saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ay go’aan ku gaareen in la qaado Guluf ka dhan al shabaa.

Afayeenka  ayaa  sheegay in howlgalada ay bilaabayaan ay kala siman yihiin kuwa ciidamada dowladda ay ka wadaan gobolada dalka.

Gobolka hiiraan waxaa deegno badan oo kamid ah ka arimiyo al shabaab, waxana al shabaab ay weeraro joogta ah ku qaadaan fariisimada ciidamada dowladda iyo kuwa amisom ay ku leyihiin gudaha gobolka Hiiraan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here