Wasiirka Difaaca Soomaaliya Oo Booqanayo Ciidanka Barre Hiiraale

0

Wasiirka Difaaca Soomaaliya C/qaadir sheikh Cali Diini oo ku sugan magaalada kismaayo ayaa waxaa lagu wadaa in manta uu booqdo deegaanka Goobweyn oo fariisin xiligaan u ah ciidamo tageero barre aadan shire (barre Hiiraale).

Wasiirka ayaa doonayo in saraakiisha ciidamadaasi hogaamineyso in uu kala hadlo sida ay kaga mid noqon lahaayeen ciidamada dowlada soomaaliya islamarkaana loo qalabeynayo ciidanka sida ay dhawaan dagaalo ugu qaadi lahaayeen deegaano ka tirsan gobolka jubadda hoose.

Cor. Barre hiiraale ayaa la sheegay in uu ka biyo diidan yahay in ciidamada ku beesha ah ay ka barbar dagaalamaan maamulka jubaland.

Afayeenka barre hiiraale ayaa u sheegay idaacadda simba ee magaalada muqdisho in uu soconayo qorshe ciidamada joogo duleedka kismaayo lagu geynayo gudaha magaalada kismaayo.b

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here