Dowladda Turky-ga oo Xarumo Caafimaad Ka  Hirgelisay Wadamo Ay Soomaliya Ka Mid Tahay

0

Hay’adda Hormarinta Caalamiga  u qaabilsan dawlada Turkiga ayaa sheegtay isbitaalo ay ka  samaysay Wadamada Somalia iyo Libiya iyo wadamo kale oo ku yaala qaarada Africa kuwaas oo  dagaalo ay  ka jiraan islamarkaan ay ku noolyihiin dad badan oo aan awoodin in ay iska bixiyaan adeegyada caafimaad.

Hay’adda iskaashiga iyo xiriirka u qaabilsan dawlada Turkiga ee magaceeda loosoo gaabiyo TIKA ayaa sheegtay adeegyadaas ay ka faa’iideystaan dad gaaraya 400,000 oo qof oo shacab ah.

Hay’adaan oo 10-xafiis ku leh qaarada Afrika ayaa waxaa ay fulisay mashaariic badan oo ay ka faai’iideysteen dad danyar ah islamarkaana ay doonayso in ay ku xoojiso xiriirka u dhexeeya qaarada iyo dawlada Turkiga.

Mid ka mid ah isbitaalada ugu waaweyn ee dawlada Turkigu ay ka hirgelisay qaarada Afrika ayaa waxaa sanadii 2015-kii laga aas aasay magaalada Muqdisho  kaas oo adeegyada uu bixiyay ay  sanadkii lasoo dhaafay ay ka faa’iideysteen dad gaayara 67,000 oo qof.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here