Afduubka Caruurta Da’doodu Ka yartahay 15-Sano oo Kusoo BadanayA Degmooyinka G- Banadir+Dhageyso

0

Qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir waxaa mudooyinkii dambe kusoo badanayay Afduubka loo geysto Caruurta da’doodu ka yartahay 15-Sano, iyadoo maalmihii dambe la afduubtay Caruur aad u yar.

Hooyo Calasey Maxamed Culusow oo dhashay Gabadh 13-sano jir ah oo  la afduubtay ayaa  idaacadda simba u sheegtay in gabadheeda barqanimdii maanta laga soo afduubtay degmada Kaaraan ee Gobolka banaadir xili ay kasoo baxday mid kamid ah Farmashiyayaasha degmadaas ku yaala.

“Gabar aan aniga dhalay oo kasoo baxday Faramashiye ka ak dhawaa Saldhiga degmada Karaan ayaa la afduubtay xili ay kasoo baxday Farmashiyaha, waxaa loola  soo dhaqaaqay degmada Warta-nabada, iyagoo maraya  isgoyska Xariyaale ayaa waxaa qabtay Ciidamada halkaas ku sugan, darwalkii Gaariga waday ayaa la dhaawacay, hada Gabadheeda iyo aniga dib ayaan u midownay” ayay tiri hooyo Calasey Maxamed Culusow.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here