Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Soomaaliya ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya waxa ay Tababar ugu furtay Tiro shaqaalo ah oo loogu talagalay in ay ka shaqeeyaan la Socodka dhaqdhaqaaqa Xaduudaha dalka soo galid iyo ka bixid.
Taliyaha laanta socdaalka Dowladda Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi oo hadalo dardaaran ah u jeediyay shaqaalaha tababarka loo furey ayaa kula dardaarmay in ay si dhow ula socdaan Siminaarka ay bixiyaan Quburo ajaanib ah.
“Muddo 26-sano ka dib ayaa Hay’adda Socdaaalka iyo Jinsiyadda Soomaliya waxa ay dib u howlgalineysaa xarumihii ay ku laheyd Xaduudaha dalka sii loola socdo dhaqdhaqaaqa xaduudaha dalka soo galid iyo ka bixid, shaqaale ay Hay’adda ugu talagshay in ay qabtaan howlahaas ayaa manta tababar loogu furay Magaalada Muqdisho waxaana ay hay’adda diyaarisay dhamaan qalabkii loogu shaqeyn lahaa Xarumaha Xaduudaha Dalka”, ayuu yiri Taliye Koofi.







