Koofi:-“Dowladda Waxa ay La Socon Doontaa Dhaqdhaqaaqa Xaduudaha Soo Galid iyo Ka Bixid”,+Sawirro

0

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Soomaaliya ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya waxa ay Tababar ugu furtay Tiro shaqaalo ah oo loogu talagalay in ay ka shaqeeyaan la Socodka   dhaqdhaqaaqa Xaduudaha dalka soo galid iyo ka bixid.

Taliyaha laanta socdaalka Dowladda Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi oo hadalo dardaaran ah u jeediyay shaqaalaha tababarka loo furey ayaa kula dardaarmay in ay si dhow ula socdaan Siminaarka ay bixiyaan Quburo ajaanib ah.

“Muddo 26-sano ka dib ayaa Hay’adda Socdaaalka iyo Jinsiyadda Soomaliya waxa ay dib u howlgalineysaa xarumihii ay ku laheyd Xaduudaha dalka sii loola socdo dhaqdhaqaaqa xaduudaha dalka soo galid iyo ka bixid, shaqaale ay Hay’adda ugu talagshay in ay qabtaan howlahaas ayaa manta tababar loogu furay Magaalada Muqdisho waxaana ay hay’adda diyaarisay dhamaan qalabkii loogu shaqeyn lahaa Xarumaha Xaduudaha Dalka”, ayuu yiri Taliye Koofi.

15167504_1013767318751152_7499879340573027479_o 15168915_1013767865417764_5159007150691124217_o 15168922_1013767605417790_3443892446730386083_o 15194433_1013767322084485_2225505465198703956_o 15195939_1013767995417751_4959963379292649499_o 15250874_1013767945417756_5985962918301165749_o 15259590_1013767612084456_8775779824229706303_o

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here