Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo Sheegay in ay ka Warqabaan Shirarka ka Furmay Magaalooyinka dalka  

0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka oo ku sugan magaaada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa sheegtay in Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka ay la socdaan  dhamaan shirarka ka Furmay Magaalooyinka Gobolada dalka soomaliya,

Xaliimo Ismaaciil ( Xaliimo Yareey) oo warbaahinta la hadashay ayaa Tilmaamtay in xubno ka socda Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka in ay ku sugan Yihiin Magaalooyinka kala ah Baydhabo, Cadaado, Garoowe, kismaayo oo dhamaan ay ka Furmeen shirarka loogu Hadlaayo doorashooyinka sanadka 2016-ka

Sidoo kale Gudoomiyaha Guddiga madaxa Banaan ee doorashooyinka  Xaliimo Ismaaciil ( Xaliimo Yareey) ayaa sheegtay  in kor joogto ay ka  noqon doonaan shirarka ka socda Magaalooyinka Gobolada dalka soomaliya

Hadalka Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ayaa imaanaya xili dhamaan Magaalooyinka Gobolada dalka soomaliya ay ka  Furmeen shirarka looga Hadlaayo Barnaamijka Hiigsiga sanadka 2016-ka

Halkaan Hoose ka dhageyso

XALIMO-YAREY-.16.11.2015

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here