C/qaadir Xaaji Max’ed Luga dheere: Dowlada Kenya Way Joojisay Dhisida Darbiga

0

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Juba-land C/qaadir Xaaji Max’ed Luga dheere oo la Hadlay idaacada Voa-da laanteeda afka soomaliga ayaa sheegay in dowlada Kenya ay joojisay darbigii ay ka dhisi laheyd xaduudka u dhaxeeya soomaliya iyo Kenya

C/qaadir Xaaji Max’ed Luga dheere ayaa Tilmaamay In Madaxweynaha Maamulka Juba-land oo ku sugan Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya uu kala Hadlay Madaxda dowlada Kenya sidii loo joojin lahaa dhisida darbiga laga dhisaayo xaduudka soomaliya iyo Kenya.

Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenka maamulka Juba-land C/qaadir Xaaji Max’ed Luga dheere ayaa beeniyay wararka ku aadan in ciidamada dowlada Kenya ay dekadda Magaalada Kismaayo ay ka dhoofiyaan dhuxusha iyo sokorta.

Hadalka Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Juba-land C/qaadir Xaaji Max’ed Luga dheere ayaa imaanaya xili qilaaf uu ka taagan darbiga dowlada Kenya ay ka dhisayso xuduudka Kenya iyo soomaliya

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here