Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Mudane C/llaahi Maxamed Nuur ayaa kamid noqday Xubnaha aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya ee ka imaanaya deeganada maamulka Hir-shabeelle kadib doorasho ka dhacday Magaalada Jowhar.
C/llaahi Maxamed Nuur ayaa ka guuleystay xubnaha kala ah Bashiir Caddow Calasow, Salaad Cali Jeelle iyo Dahir Dayax kuwaasi oo loolan ugu jiray kamid noqoshada Baarlamanka Cusub ee Federaalka Soomaliya ee ka imaanaya deeganada Maamulkaas.
Mudane C/llaahi Maxamed Nuur ayaa helay 28 cod, isagoo sidaas ku helay cododkii uu u baahnaa wareega hore si uu ugu guuleysto, sidoo kale Bashiir Caddow Calasow oo difaacanayay kursigan ayaa helay 21 cod, halka Salaad Cali Jeelle iyo Dahir Dayax ay heleen min hal cod.

