Denjire Micheal Keating oo Gaaray Magaalada Cadaado ee Galmudug

0

Wafdi uu Hogaaminaayo Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Denjire Micheal Keating  ayaa maanta Gaaray Magaalada Cadaado ee caasimada KMG ee Maamulka Galmudug.

Garoonka diyaaradaha Magaalada Cadaado Caasimada KMG ee Maamulka Galmudug  wafdigaan waxaa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug, saraakiil Ciidan, iyo Mas’uuliyiin kale.

Intuu ku sugan yahay Magaalada Cadaado Denjire Micheal Keating  waxa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxda ugu sareysa maamulka Galmudug iyo Guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed galmudug isagoo kala hadli doona halka ay marayaan doorashada aqalka Hoose ee baarlamanka Federaalka Soomaliya ka imaanaya deeganada Maamulkaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here