Maamul Goboleedka Galmudug ayaa markii ugu horeyay ka hadlay dagaal dadka deegaanka iyo Xaralada Al-shabaab ku dhaxmaray deegaano ka tirsan degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.
Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Mudane Maxamed Xaashi Cabdi Carabey oo ka hadlayey dagaal dhawaan dad deegaanka ah iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaano hoostaga degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa sheegay in shacabka ay ka caawin doonaan wax walbo oo Galmudug uga soo baahdaan.
“Dagaalka ka dhacay deegaanada Dumaye iyo dabagalo oo u dhow degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, waxa uu ku yimaaday xanaaq ay dadka ka xanaaqeen dhaqamada Al-shabaab runtii waxaa loogu dilay 7-askari Al-shabaab tiro kalana waa loogu dhaawacay, hubna waa loogu qabsaday, waxaan taageeraynaa dadka deegaanka oo dagaal kula jira Al-shabaab si ay ugu difaacdaan Hantitooda”, ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Maxamed Xaashi Cabdi Carabey
Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Maxamed Xaashi Cabdi Carabey ayaa sheegay in Al-shabaab ay mar walba weerar kusoo qaadaan dadka deegaanka ayna ka qaataan hantidooda.

