Deeganada Maamulka Puntland oo Maalinta Bari ah Lagu Qaban doono shirarka loogu Hadlaayo Hiigsiga 2016-ka

0

Guddiga Maamulka Puntland u xil saaray qabashada shirarka wadatashiga Heerka qaran ee la xariira doorashada Soomaaliya sanadka 2016-ka ayaa ka Hadlay xiliga ay dhici doonaan shirarka loogu Talagalay.

Wasiirka Deegaanka Puntland Mudane Cali Cabdilaahi Warsame oo warbaahinta Maanta kula Hadlay Magaalada Garoowe ee Caasimada Gobolka Nugaal ayaa sheegay in maalinta Bari ah ay Furmi doonaan shirarka loogu Hadlaayo doorashada Soomaaliya sanadka 2016.

Guddiga Maamulka Puntland u xil saaray qabashada shirarka wadatashiga ayaa sidoo kale warbaahinta u sheegay in magaalooyinka kala ah Gaalkacyo,Garowe,Qardho,Bosaso,Badhan iyo Tukaraq ay yihiin lixda Magaalo ee loogu Talagalay in Lagu qabto shirarka Hiigsiga 2016-ka

Dhanka kale shirka Maalinta Bari ah ka Furmi doona Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal waxaa ka qeyb Gali doona Madaxda Maamulka Puntland iyo Madax ka socota beesha caalamka iyo qeybaha kala duban ee Bulshada ku dhaqan deeganada Maamulka Puntland uu ka arimiyo,

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here