Janeraal Maxamed warsame Dhooley oo kamid ahaa saraakiishii Hore ee ciidamada Booliska Soomaliyeed ayaa sheegay in ciidamada dowlada Kenya aysan markii Hore dalka soomaliya kusoo Galin si sharci ah balse dalka ay kusoo Galeen shaqo iyo dhaqaalo Hormarinta dalka Kenya,
Isagoo Hadalkiisa sii wata Jeneraal maxamed warsame dhooley ayuu shacabka soomaliyeed ee ku dhaqan dhamaan Gobolada dalka soomaiyeed ka codsaday in ay sameeyeen dibad baxyo lagu Taageerayo Go’aankii Mudanayaasha Baaramanka soomaliyeed kaasi oo ahaa in dalka soomaliya ay iskaaga baxaan ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka Amisom .
Dhanka kale Jeneraal Maxamed warsame dhooley waxa uu sheeegay in dowlada Kenya waxyaabaha dhaqaalaha dalka Soomaliya ay ku cuuryaamisay in ay qeyb ka Yihiin qaadka maalin walba ay usoo dhoofiso wadanka soomaliya taasi oo soomaliya ay ku bixiso malaayin lacag ah iyadoona qaadka uu kamid yahay waxyaabaha dhibaatada ku haya umada soomaliyeed ,
Ugu dambeyntii Jeneraal maxamed warsame dhooley ayaa ka codsaday dowlada soomaliya in Go’aan Rasmi ah ay kasoo soo saarto qaadka ka imaanaya dalka Kenya ee losoo dhooofiyo Gudaha wadanka soomaliya,
Hadalkaan kasoo yeeray Mas’uulkaan ka Tirsanaa saraakiishii Hore ee ciidamada Booliska soomaliyeed ayaa imaanaya xili qilaafka u dhaxeeya soomaliya iyo Kenya uu cirka isku sii shareeray kadib markii dowlada Kenya ay sheegtay in ay darbi ka dhisi doonto xuduudka u dhaxeeya labada dal.

