Kulanka ay maanta Magaalada Muqdisho ee caasimada soomaliya ay ku yeeshteen Xubnaha Guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka ay kaga Hadleen darbiga dowlada Kenya ay sheegtay in ay ka dhisi doonto xuduudka u dhaxeeya soomaliya iyo wadanka Kenya,
Sidoo kale Guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka waxa ay sheegeen inay ayideen Go’aankii Baarlamaanka iyo Xukuumadda Somaaliya ay ka qaateen darbiga Kenya ay dhiseyso iyo baaq ay u direen Dowladda Kenya oo ah inay joojiso dhisida Darbiga.
Cabdiqaaliq Cabdullahi Xamza oo ka tirsan Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka ayaa Warbaahinta u akhriyay War-saxaafeedka kasoo baxay Guddiga Madax banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka
Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka kasoo baxay Guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka










