Dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa maanta la wareegay deegaanka Dumay oo 50-KM u jira degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.
Dadka deegaanka Dumay ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in boqolaal ka tirsan Ciidamada Xarakada Al-shabaab in ay la wareegeen deegaanka iyagoo aan la kulmin wax iska caabin ah, waxaa ka baxay deegaanka maleeshiyo hubeysan oo mudooyinkii dambe ku sugnaa deegaanka.
Saraakiil ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo boqolaal dadweyne ah kula hadlay deegaanka Dumay degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa ugu baaqay in ay kusoo biiraan Al-shabaab islamarkaana ay ka qeyb qaataan dagaalka lagula jiro Maamulada Galmudug iyo Puntland.
Dhanka kale Maamulka Galmudug ayaa ilaa haatan aan ka hadlin la wareegitaanka Xarakada Al-shabaab deegaanka Dumay oo 50KM u jira degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug

