Wararka ka imaanaya deegaanka Goof-gaduud Shabeelow ee Gobolka Baay ayaa ku waramaya in ciidamada Ethopia ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika Amisom in ay la wareegeen deegaankaas, waxaa gabi-ahaanba isaga baxay Ciidamada Xarakada Al-shabaab oo duhurnimadii maanta la wareegay.
Ciidamadaan oo wata gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa gudaha u galay gudaha degaankaas, waxaa jiro meydadka Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaliya, kuwa Dowladda Soomaliya iyo Xarakada Al-shabaab oo daadsan gudaha deegaanka, waxaase hawada ka maqan isgaarsiinta degmadaas.
Korneel Muqtaar Maxamed Axmed oo kamid ah saraakiisha Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya aynu la xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay in Ciidamada Malatariga Ethopia ay gudaha magaaladaas galeen islamarkaana dagaalyahanadii Al-shabaab-na ay isaga baxeyn 32-askarinna loogu dilay dagaalka.
Dagaalkii ka dhacay deegaanka Goof-gaduud Shabeelow ee gobolka Baay oo soo bilowday saqdii dhexe ee xalay ayaa soo gaaray ilaa duhurnimadii maanta waxaa jiro qasaaro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhinacyadii dagaalamay.

