Dagaal Ka Dhashay Daanyeer oo ay isku Laayeen Laba Qabiil oo Ka Dhacay Dalka Liibiya

0

Dagaal maalmo socday  oo ay ku nafwaayeen 20 qof ayaa ka qarxay koonfurta dalka Liibiya kadib markii daanyeer rabaayad ah oo uu lahaa nin dukaanle ah uu weeraray gabar iskooley ah,taas oo keentay in beeshii ay ka dhalatay gabadhu ay soo qaadaan weerar islamarkaana ay ku dileen Danyeerkii iyo 3 qof,intaas kadib ayaa waxaa ay beeshii kale ayaguna ay soo qaadeen dagaal xoogan waxaana labada dhinac ay isku adeegsadeen gaadiidka dagaalka iyo hub culus.

Dagaalkaan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 50 qof,sida Abdel-Rahman Areish,oo ah madaxa isbitaalka magaalada Sabha uu u sheegay wakaalada wararka ee AP.

Dagaalkaan ayaa dhexmaray laba qabiil oo lugu kala magacaabo Awlad Suleiman iyo Gaddadfa,kuwaas oo ah labada qabiil ee ugu badan Koofurta dalka Liibiya ee qaarada afrika.

Goobihii ay ku dagaalameen labada dhinac ayaa la sheegay in weli ay ka jirto xiisad dagaal iyo rasaas goos goos ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here