Sarkaal Ajnabi ahaa oo ka tirsanaa Al-shabaab oo Lagu Dilay Degmada Jilib ee Gobolka Jubada dhexe.

0

Ninkan oo u dhashay Dalka Tanzaniya islamarkaana la sheegtay inuu horay uga tirsana Xarakada Al-shabaab ayaa Xukun dil ah waxaa ku ridday Maxkamadda Xarakada Al-shabaab ee Degmada Jiib ee ee gobolka Jubada dhexe.

Waxaa lagu eedeeyey inuu ahaa Basaas u adeegayey dowlado shisheeye kuwaasi oo doonayey inay qaarijiyaan saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-shabaab oo isugu jira Soomaali iyo ajaanib waxaana Al-shabaab ay sheegeen in ninkan basaasnimada ay ku eedeeyeen uu si gaara u doonayey inuu u basaaso raga ajaanibta ah ee ka tirsan Al-shabaab.

Eedeysanaha Maxkamaddu ay xukuntay ayaa waxaa laga duubay Vedio oo ku qiranayo inuu ahaa basaas Al-shabaab saraakiishooda shir-qoolada u maleega islamrkaana uu qaatay lacago uu ku fulin lahaa weerar lagu doonayey in lagu dilo saraakiil ka tirsan Al-shabaab.

Maxkamadda Xukunka ridday ayaa sheegtay in gacant lagu dhigay ruuxaan isagoo ku guda jir falka lagusoo eedeeyey uuna u shaqeynayey dowladaha Maraykanka iyo Rwanda.

Al-shabaab ayaa dhawr mar sidaan oo kale xukunno ugu riday rag ka tirsanaa oo ay ku eedeeyeen inay la shaqeynayeen wadamada Mareykanka iyo reer galbeedka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here