Madaxweynaha Soomaliya oo Xariga Ka Jaray Wadada Shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho+Dhageyso

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta xariga ka jaray Wadada shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho oo mudooyinkii dambe dhismo lagu waday.

Munaasabadda uu xariga ugu jarayay Wadadaas Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaliya, Maamulka Gobolka Banaadir, iyo shacab aad u fara badan.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ugu mahadceliyay maamulka Gobolka Banaadir uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo shacabkii isku xilqaamay in ay ka qeyb qaataan dhismaha Wadada Shaqaalaha ee Magaalada Muqdisho oo mudooyinkii dambe dhismo lagu waday.

“Maantana hadana waa maalmihii taariikhiga ahaa ee Soomaliya gaar ahaan Caasimada Jamhuuuriyada Soomaliya ay soo maraysay, Wadadaan waan rajeenaynaa in sawiradeeda la tuso dadka Soomaaliyeed, muddo kooban ka hor sidaas oo ay ku sugneed muddo 20-sano, waxaa xusid mudan in guushaan ay gaareen shacabka Soomaliyeed aysan ku abaal sheegan doonin cidna”, ayuu yiri Madaxweynaha Soomaliya.

“Guul badan ayuu gaaray mashruuca dalkaaga dhiso , waddooyin badan iyo dhsmayaal xarumo dowladdaha hoose ah ayaa dib loogu dhisay . Wadada Shaqaalaha ee aan maanta fureyno waxaa lagu dhisay canshuurta laga qaaday shacabka. Dhammaan dhismooyinka socda ee waddooyinka waxay qeyb ka yihiin kaabayaasha dhaqaaalaha dalka.

Madaxweynaha ayaa baaq u diray maamullada ka jira gobollada dalka “Dadka Soomaaaliyeed ee ku nool gobollada dalka waa in ay billaabaan mashruucaan oo kale ee lagu dhisayo waddooyin dalka si , dhaqaalaha dalku u sii xoogeysto”

Ugu dameyntii, Madaxweynaha ayaa ku boggaadiyey umadda Soomaaliyeed sida ay diyaar ugu yihiin ka qeyb qaadashada qorashayaasha dowladda ay dib ugu dhiseeyso dalka, iyada oo la isku tashanayo si looga maarmo kaalmo shisheeeye.

                                                                      Dhammaad

unnamed-1 unnamed-2 unnamed3 unnamed4 unnamed5

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here