Muqdisho, 21 November 216– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allah ha u naxariistee Xildhibaan Daahir Xaaji Geelle oo xalay ku geeriyooday magaalada Garoowe.
“Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaan shacabka, qoyska, ehaladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allah ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Daahir Xaaji Geelle la wadaagayaa tacsidan murugada leh. Waxaa marxuumka lagu xusuusan doonaan doorkii wanaagsanaa iyo sida hufan ee uu ugu adeegay shacabkiisa ” ayuu yiri Madaxweynaha.
Ugu dambeyntii, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Marxuum Daahir oo ka mid ahaa xildhibaannada cusub ee dhowaan la doortay iyo xildhibaannadii hore Allaah uga baryey inuu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo.
Dhanka kale Raiisul Wasaaraha oo ka Tacsiyeeyey Geeridii Xildhibaan Daahir Xaaji Geelle oo Xalay ku dhintay Garowe.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke, ayaa tacsi Qaran u diray qoyska, ehelada, qaraabada iyo shacabiweynaha Soomaaliyeed geeridii ku timid alle u naxariistee Xildhibaan Daahir Xaaji Geelle.
“Xildhibaan Daahir wuxuu ahaa shaqsi dadaal badan oo howlaha Qarankana si sharciga waafaqsan u guta, waxaana alle baryeynaa inuu jannadiisa geeyo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo tacsi u diray xubnaha golaha Baarlamaanka iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed.
Allaha u naxariistee Marxuumka ayaa dhawaan loo doortay Mudane ka tirsan Baarlamaanka F. Soomaaliya, isagoo horeyna uga mid ahaa Baarlamaankii hore.

