Guddiga Doorashooyinka Maamul Goboleedka Jubba-land ayaa ka joojiyay Wasiirka Macdanta iyo Batroolka Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Mukhtaar Ibraahin in uu u tartamo kursig xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ee ka imaanaya deegaanada Maamulkaas.
Sababaha loogu joojiyay u tartamida kursiga aqalka Hoose ayaa lagu sheegay in uu bixiyay lacago laaluush ah si uu ugu soo baxo doorashada aqalka Hoose.

