Inta la xaqiijiyay 2-askari ayaa ku dhimatay 7-kalana way ku dhaawacmeen kadib markii qarax miino barqanimadii maanta ka dhacay goob ay fariistaan ciidamada Booliska dowladda Soomaliya oo ku taalo Degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan Isgoyska Ceelgaabta.
Qaraxa miino ayaa la xaqiijiyay in lagu aasay fariisin ciidanka Booliska Soomaliya ay ku leeyihiin degmada, goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa sidoo kale u dhow suuqa Bacaadlaha Degmada Xamar weyne oo ah goob mashquul badan oo dadka ay ku ganacsadaan.
Ciidamo ka Tirsan kuwa dowladda Soomaliya ayaa goobta uu qaraxa ka dhacay gaaray waxaa jirey howlgal ay goobta ka sameeyeen inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn shaqsiyaadka loosoo qabtay qarax ka dhacay degmadaas.
Dhanka kale ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada qaraxa ka dhacay Degmada Xamar weyne, gaar ahaan Isgoyska Ceelgaabta.




