C/wali Gaas:-Waxaa Naga Go’an in Lasoo Afjaro Colaada Magaalada Gaalkacyo+Dhageyso

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa Sheegay inay sii Socondoonaan Wada hadalada Hogaamiyayaasha Galmudug iyo Puntland ee lagu soo afjarayo Colaada Magaladaa Gaalkacyo ee Caasimada Gobalka Mudug.

Madaxweyne Gaas ayaa nasiib daro fool Xun ku tilmaamay Dagaalada aan Dhamaadka laheyn ee Magaalada Gaalkacyo ay Martigalisay Dhamadaadkii Sanadkii 2015 ilaa 2016 kuwaas oo ay ku Dhinteen Boqolaal Qof halka ay ku Barakaceen Kumanaan Qoys Qaarkoodna hada Xaalad adag oo dhanka Nolosha ah ku Wajahayaan Deegaano ka tirsan Gobalka Mudug.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas  ayaa Xusay labada Dhican ay sii wadi doonaan Wada Hadalada Nabada Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug ilaa xal rasmi ah laga gaarayo Dagaaladaasi.

Hogaamiyayaaasha Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa hal Sano ka dib Shalay markale kala Durjiyey Ciidamada 2-maamul iskuna afgartay in Dagaalka Magaalada Gaalkacyo Wada Hadal lagu Badalo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here