Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cal Sharmaake ayaa Sheegay Xukumadiisa iyo Guddiga Xabad Joojinta Magaalada Gaalkacyo ay Bilaab Doonaan Wajiga Labaad ee Dhex-dhexaadinta Maamulada Galmudug iyo Puntland.
Raisulwasaaraha ayaa sheegay in Wajiga Labaad ee Wan-waanta Gaalkacyo ay Noqon doonto in Guud ahaan Magaalada laga saaro Ciidamada Dagaalka 2-maamul ee Puntland iyo Galmudug si loo gaaro Jawi nabadeed oo badala Rashadaha Magaaladaasi ka oogan.
“Runtii waxay inoo tahay jawi farxadeed madaama lakala qaaday ciidamadii isku horfadhiyay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, tani waxay muujinaysaa bilowga nabadeynta Magaalada Gaalkacyo mar hadii lakala dhorjiyay Ciidamada, maalmaha soo socda magaalada ayaa laga saari doonaa Ciidamada, waxaan sidoo kale ugu baaqayaa dadkii ka barakacay Magaalada in ay dib ugu soo laabtaan”, ayuu yiri Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

