Madaxweynaha Jubbaland  oo Magaalada Adis Ababa kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Dalkaas

0

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Maamulka Jubba-land Axmed Maxamed Islaam  (Axmed Madoobe) ayaa Magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethopia kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, ka dib markii uu Itoobiya gaaray.

Labada Mas’uul ayaa kawada hadlay Arrimo laxiriira Doorashada Soomaaliya ka dhacaya sanadkaan 2016-ka, arrimaha amniga Soomaliya iyo xoojinta xiriirka kadhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya , kulankan ayaa kusoo dhamaadey is afgarad buuxa oo ay labada dhinac isla gaareen.

Madaxweynaha Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam  (Axmed Madoobe)  oo ku sugan Itoobiya ayaa maanta oo Khamiis ah la kulmi doona sidoo kale Madax kale oo ka tirsan Itoobiya oo uu ka mid yahay Wasiirka arrimaha dibada Itoobiya iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xukuumada Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here