Hay’adda Qaxootiga UNHCR oo Soo Dhaweysay Go’aanka Kasoo Baxay Dowladda Kenya

0

Warsaxaafadeed  ay soo saartay Hay’adda  Qaxootiga Qaramada Midoobay u qaabilsan ee UNHCR ayaa lagu soo dhaweeyay go’aanka kasoo baxay dowladda Kenya ee ku aadan in dib loo dhigay waqtigii lagu balamay in la xiro xeryaha Qaxootiga Dhadaab.

“Waxaan soo dhaweynaynaa Go’aanka kasoo baxay dowladda Kenya ee ku aadan in muddo kale lagu daro waqtiga la xiraayo xeryaha qaxootiga Gobolka Woqooyi bari  ee dalka Kenya, tani waxay cadeyn u tahay sida Kenya ay ugu go’an tahay in Soomalida qaxootiga ay dalkooda ugu soo laablaabtaan si xur ah, iyadoo la tixgalinaayo sharaftooda, dib usoo laabashada qaxootiga waa furo muhiim ah”, ayaa lagu yiri war kasoo baxay UNHCR

Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay u qaabilsan ee UNHCR  ayaa muddo badan raadinaysay in xal loo helo dhibaatada Qaxootiga Soomaliyeed ee ku jira xeryaha qaxootiga Kenya, 25 June 2016-kii UNHCR, dowladda Kenya, iyo dowladda Soomaliya  ayaa wada gaaray heshiiska dib usoo celinta Qaxootiga ku jira xeradaas.

Tan iyo sanadkii 2014-kii 35,000 oo qaxooti Soomaliyeed ayaa lagu taageeray in dib ugu soo laabtaan dalkooda Hooyo intii u dhaxaysay bilaha July iyo August waxaa la xaqiijiyay in 283,558 ay ku jiraan xerada Dhadhaab oo ah 58,000 in ka yar tiradii horey loo shaaciyay

Dowladda Kenya ayaa sheegtay shalay in dib loo  dhigay Waqtigii la  shaacisay in la xiri doono Xeryaha Qaxootiga Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya oo horaan loo shaaciyay in November 30-keeda la xiro.

Joseph Nkaissery  Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa Arbacadaan maanta ah  u sheegay saxaafada magaalada Nairobi  ee dalka Kenya, in Kenya ay dib u dhigayaan xiritaanka qaxootiga ka dib codsi ka yimid Hay’adda Qaramada Midoobay ee dhanka Qaxootiga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here