Waxaa magaalada Boosaaso ee gobolka bari maanta lagu qabtay isa soo bax ay ka qeyb galeen boqolaal qofood islamarkaana alle logu baryay in roob uu ku maneysto dadka ay abaaruhu ay saameeyen eek u nool gobolada dalka soomaaliya.
Isku soo baxa roob doonka oo ay soo abaabuuleen Culuma’udiinka ku nool gobolka bari ayaa waxaa goobta u dadka ay isugu soo baxeen ku duceeyay culumada qaar.
Dhamaan waxaa maanta xirnaa goobaha ganacsi ee magaalada iyadoona sidoo kale albaabada la igu laabay jaamacadaha ku yaalo boosaaso iyo iskuulada waxbarashada waxana dhamaan ardada ay ka qeyb qaadanayeen isku soo baxa roob doonka ah.
Abaaraha ka jiro deeganada uu ka arimiyo maamulka puntland waxaa u dhintay dad xoolo dhaqato aha iyadoona ay ku baaba’een xoolo badan oo ay dadka reer miyiga dhaqanayeen.












