(Daawo Sawiro) Roob Dadka ay ku Diirsadeen oo Maanta ka Da’ya Muqdisho

0

Waxaa Magaalada muqdisho ee caasimada soomaaliya manata si weyn kaga da’ayo roob ay dadka ku diirsadeen iyadoona roobka saakay uu saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqi guud ee magaalada.

Roobka oo ka da’aya  guud ahaan degmooyinka gobolka banadir iyo deeganada ku xeeran ayaa waxa uu biyo dhigay wadooyinka qaar ee magaalada muqdisho.

Gadiidka qaar ayaan isticmaaleyn wadooyinka magaalada iyadoona ay isticmaalayaan xaafadaha qaar ee gobolka  Banaadir.

Idaacada simba ayaa sawiro waxa ay ka soo qaaday goobaha qaar iyadoona sidoo kale roobka uu weli ka da’ayo magaalada waxana cirka weli is heysto daruuraha roobka.

Roobka da’ayo magaalada ayaa dhinaca kale waxa uu saameyn ku yeeshay dadka barakacayaasha eek u nool  magaalada muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here