Faah-faahin:-Qaraxyo Ismiidaamin ahaa oo Laga Maqlay Degmada Tiyeglow ee Gobolka Bakool

0

Wararka ka imaanaya degmada Tiyeglow ee Gobolka Bakool ayaa ku waramaya in dagaal u dhaxeeyay Ciidmada dowladda Soomaliya, kuwa Koonfur Galbeed Soomaliya iyo Al-Shabaab in  xalay uu ka dhacay daafada degmadaas.

Dagaalka markii laga yimaado waxaa jirey Gaari xamuul ahaa oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay, ayaa waxay Shabaabku la beegsadeen qaar ka mid ah labada ciidan oo ku sugan mid ka mid ah wadooyinka laga soo galo Degmada Tiyeeglow.

Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Degmada Tiyeglow ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in weerarkaasi looga dilay afar askari, halka tiro kalana ay kaga dhaawacantay.

Maxamed Cabdalla Xasan (Foodcadde), Gudoomiyaha Degmada Tiyeeglow, ayaa isaguna sheegay inay fashiliyeen illaa toddobo kale oo ismiidaamin ah, ka dib markii ay toogteen xubnihii ismiidaaminta ku qornaa.

Dhanka kale General Xasan Isaaq Cumar (Xasan Baydhabo), Taliyaha Guutada 8-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa sheegay in dagaalka shalay illaa xalay ka soconayay degmada  Tiyeeglow uu ku tilmaami karo midkiisii ugu adkaa, oo labada dhinac isaga horyimaadaan, sida uu yiri.

Taliyaha oo hogaaminaya hawlgalkan, ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka ay ku dileen 50 nin oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab, iyagoona horey u qaatay sida uu sheegay dhaawacyo fara-badan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here