Maamulka Puntland oo Lagu Eedeeyay in uu Kasoo Horjeedo Dhaqan Galinta Heshiiskii Xabad Joojinta+Dhageyso

0

Afhayeenka Ciidamada Qalabka Sida ee Maamulka Galmudug Maxamed Cali Ruush oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Maamulka Puntland ku eedeeyay inay wali ka soo Horjeedaan Dhaqan galinta Heshiiskii Xabad Joojinta Gaalkacyo ay ku gaareen Hogaamiyayaasha Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Mudane Ruush ayaa Sheeegay inay Heleen Xog Muujinaysa Saraakiisha Ciidamada Maamulka Puntland iyo Odayaasha Dhaqanka Gobalka Mudug ay Diideen inay aqbalaan Wan-wan Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya uu Garwadeen ka yahay oo Gaalkacyo ka socotay dhawaanahaan.

Afhayeen-ka Ciidamada Maamulka Galmudug ayaa Xusay inay wali Dhacayso Raasaas ay Ridayaan Ciidan maamulka Puntland taasi oo muujinaysa in Puntland wali ay ku Dhagan tahay sii wadida Dagaalka Magaalada Gaalkacyo.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here