Gudoomiye Ku-xigeenka Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Sayid Cali Baafo oo la hadlay Idaacada Simba ayaa faah-faahin ka bixiyey halka ay marayaan doorashooyinkii maalimihii danbe ka socday Magaalada Baydhabo ee Caasimada KMG ee Maamulkaas.
Mudane Baafo ayaa Sheegay in Doorashada ay hakad ay hada ku jirto sababo la xiriira Arimaha Farsamo oo xaga Guddiyada Doorashooyinka la soo gudboonaaday waxa uuna Xusay in Maalmaha soo socda ay guda gali doonaan Wajiga labaad ee doorashada.
Gudoomiye ku-xigeenka Sayid Cali Baafo ayaa tilmaamay dhamaan Ergada Beelaha kala Duwan ee Maamulka Koofur Galbeed ay Baydhabo xaadir ku yihiin asagooo sheegay in Maalmaha soo Socada Baydhabo filayaan inay soo gaaran Ergada matalaysa Beelaha Gobalka Shabeelaha Hoose oo wali ka maqan Madasha doorashooyin Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

