Abwaan Cabdi Shire Jaamac (Ciyaar Jecel) ayaa kamid Noqday Xubnaha aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya ee ka imaanaya deegaanada dowlad Goboleedka Maamulka Galmudug.
Abwaanka ayaa waxaa la tartamayay xubnaha kala ah Deeq Xuseen Mirre, Suldan Xaaji Aadan Qaasim Maxaed Abdi waxayna ku kala baxeyn Wareega koowaad ee doorashada waxa uu helay Abwaan Cabdi Shire Jaamac (Ciyaar Jecel) Codad gaaraya 29- cod halka Musharixiinta kalana ay heleen codad intasa ka yar.
1-Abdi Shire Jaamac oo helay 29 cod
2-Deeq Xuseen Mirre oo heshay 10-cod
3-Suldan Xaaji Aadan oo isna helay 7-cod
4-Qaasim Maxaed Abdi oo helay 5 cod
Abwaan Cabdi Shire Jaamac (Ciyaar Jecel) ahaa aas aasihii iyo Gudoomiyihi Kooxda Fanaaniinta ee Qeylo Dhaan, wuxuuna mudooyinkii dambe uu kamid ahaa Baarlamanka Federaalka Soomaliya.

