Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa ugu baaqay maamulada Puntland iyo Galmudug in ay ka shaqeeyaan sidii shacabkii ka barakacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudugdib loogu soo celin lahaa Magaaladaas.
”Waxaa muhiin ah in dadkii ka barakacay magaalada Gaalkacayo aan ka shaqayno sidii ay magaalada ugu soo laaban lahaayeen, waxaan rabnaa inaan masuuliyad gaar ah iska saarno in dhibaatada Gaalkacayo aysan mar danbe soo noqon haddii ilaahay yiraahdo” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Soomaliya.
Warbixin kasoo baxday dhawaan Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan isku xirka Bani’aadanimada ee OCHA ayaa lagu shaaciyay in kumaam kun ee shacab ah ay ku barakaceen colaada ka jirta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee u dhaxaysa maamulada Puntland iyo Galmudug.
Tiro lagu qiyaasay 50,000 oo qof , oo shacab ah ayaa la shaaciyay in ay ka barakaceen Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo dhawanahaan ay ku dagaalameen Ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug.

