Shabaab oo Guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay Xarunta Akaadeemiyada Magaalada Kismaayo

0

Shabaab ayaa Guulo ka sheegtay dagaalo saacidihii aynu soo dhaafnay ka dhacay qeybo kamid ah Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.

Dagaalka ayaa dhacay xarunta akaadeemiyada Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose oo mudooyinkii dambe ay ku sugnaayeen ciidamo isku dhaf ah iyo kuwa dowlada wadanka Kenya.

17-askari oo ka Tirsanaa ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Maamulka Juba-land ayay shabaab sheegeen in ay ku dileen dagaalkii ka dhacay xarunta Akaadeemiyada Magaalada Kismaayo e Gobolka Jubada-Hoose.

Sidoo kale xarakada al-shabaab ayaa sheegtay in dagaalkii ka dhacay xarunta akaadeemiyada Magaalada Kismaayo ay ku qabsadeen Hub iyo Gadiid ay lahaayeen ciidamada dowlada soomaliya iyo kuwa Kenya ee ku suganaa xarunta.

Maamulka Juba-land ee ka arimiya Magaalada Kismaayo ee Gobolka jubada Hoose ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay xarunta akaadeemiyada Magaalada Kismaayo ay ku dileen 15-askari oo ka Tirsanaa ciidamada al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here