Saraakiisha Ciidamada Maamul Goboleedka Galmudug ayaa ku Han-jabay in ay la wareegi doonaan saacadaha soo socda degmada Xarar-dheere ee Gobolka Mudug.
Dhame Cumar Macalin Cali oo ah Taliyaha Howlgalada deg dega ah ee ciidamada Maamulka Galmudug oo la Hadlay idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamo aad u Fara badan oo ka Tirsan kuwa Maamulka Galmudug ay xiligaan ku wajahan Yihiin degmada xarar-dheere ee Gobolka Mudug oo Haatan ay ku sugan Yihiin ciidamada xarakada al-shabaab.
Dhanka kale dadkii ku Nolaa degmada xarar-dheere ayaa Bibaabay in ay ka barakacaan degmada casbi ay ka muujinayaan dagaal dhaxmara ciidamada Maamulka Galmudug iyo kuwa al-shabaab oo mudooyinkii dambe ku sugnaa degmada xarar-dheere
wixii kusoo kordha wararka degmada Xarar-dheere kala soco simbanews.com

