Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug oo Soo Dhaweeyay Heshiiska Nabadaynta Magaalada Gaalkacayo

0

Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Galmudug Dr C/wali Maxamed Cali Gaas iyo C/kariin Xuseen Guulleed ayaa soo dhaweeyay shirka nabadaynta iyo xallinta khilaafka magaalada Gaalkacayo ee Xarunta Gobolka Mudug ka aloosan.

Shirkaan oo ay ka qeyb galeen wufuud ay kala hogaaminayeen Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay Michael Keatin iyo Madaxweynaha Maamulka Gal-mudug Cabdikariim Xuseen Guuleed, ayaa waxa uu ka dhacay garoonka diyaaradaha C/laahi Yuusuf ee Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad ka jeediyay shirka nabadaynta magaalada Gaalkacayo ayaa tilmaamay in Dawlada Puntland aysan cidna duulaan ku ahayn isla markaana ay diyaar u tahay tallaabo kasta oo loo qaadayo dhinaca nabadda iyo xakamaynta colaadda magaalada Gaalkacayo.

” Sanadihii udanbeeyey waxaa Puntland iyo shacabkeeda loo geystay dhibaatooyin baaxad weyn oo ay ugu horeeyaan weeraro joogto ah, bara-kicin, iyo in laga hor istaago horumar ay wadeen, waxaa sidoo kale la laayay waxgaradkii furaha u ahaa nabadda, Puntland cidna duulaan kuma aha balse waa waajib diini ah inaan is difaacano sharafta , karaamada iyo maalka dadka Puntland, maanta waxaan isugu nimi in dhibta Gaalkacayo nabad iyo xal waara laga gaaro haddii alle idmo” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa isaguna dhankiisa sheegay oo yiri ” Waxaan aaminsanahay in magaalada Gaalkacayo ay ku noolyihiin dad walaalo ah oo isku mid ah, ayna waajib tahay in ay magaalada ku wada noolaadaan, Galmudug ahaan diyaar ayaanu u nahay in xal loo helo xaaladda magaalada Gaalkacayo”

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo isaguna hadal kooban jeediyey ayaa dhankiisa tilmaamay oo yiri ” Waxaa muhiim ah in wada hadalka maanta furmay uu sii socdo ilaa xal kama dambays ah laga helayo, bulshada Gaalkacayona ay horumar iyo barwaaqo ugu noolaadaan”.

Dhinaca kale xoghaya qaramada midoobay u qaabilsan Sooomaaliya Danjire Michael Keating ayaa isaguna sidoo kale yiri‘” Dagaaladii u danbeeyey ee Gaalkacayo waxaa ku dhintay 45 qof, waxaana barakacay 90.000 oo qof, dagaalkan ma jirto cid guul ka gaaraysa balse guul darro iyo khasaare ayaad kala kulmaysaan waana muhiim inaad keentaan sidii loo joojin lahaa” ayuu ku soo kooban hadalkiisii.

img_4297 img_4367 img_4481 img_4246 img_4259 img_4271 img_4295 img_4318 img_4329 img_4338 img_4363 img_4371 img_4380 img_4398 img_4476

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here